Muqdisho, Ogoosto 28, 2021; Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa. Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe […]
Muqdisho, Diseembar 27, 2021; Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta xariga ka jartay dhismaha xarun caafimaad oo laga hirgeliyey xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, taas oo loogu adeegi doono hooyada iyo dhallaanka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Xaruntan oo ah MCH si heer sare ah oo casri ah loo qalabeeyey, […]
Muqdisho, Diseembar 11, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo Madaxtooyada Qaranka ku guddoonsiisay qaar ka mid ah dadka naafada ah agab loogu tala galay, ayaa ku baraarujisay dadka Somaaliyeed in ay garab istaagaan dadkeenna naafada ah ee u baahan daryeelka. Marwo Saynab ayaa tilmaamtay in xilligan dalkeenna ay ka jiraan abaaro […]
Muqdisho, Nofeembar 01, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa caasimadda dalka ee Muqdisho waxa ay kulan kula qaadatay Madaxa Wakaaladda Iskaashiga Iyo Isku-duwidda Turkiga ee (TIKA) u qaabilsan Soomaaliya Mudane Ilhami Turus. Marwada Koowaad ee dalka iyo Madaxa Hay’adda TIKA u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay dardargelinta dhismaha isbitaalka hooyada […]
Muqdisho, Oktoobar 27, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo kulan casho sharaf ah ugu sameeysay Madaxtooyada Qaranka mas’uuliyiin ka socotay hay’adda PAC ee ka hawl gala Soomaaliya ayaa ku bogaadisay adeegyada caafimaad ee ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan daaweynta iyo qalliimada Fistula. Marwada Koowaad ee dalka ayaa xustay in hay’adda […]
*Turkiga, Octoobar 01, 2021;* Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi ay hoggaamineyso oo safar shaqo ku joogta dalka Turkiga ayaa kulan la qaadatay Madaxa Wakaaladda Iskaashiga Iyo Iskuduwidda Turkiga ee (TIKA) Mudane Serkan Kayalar. Marwada Koowaad ee dalka iyo Madaxa Hay’adda TIKA ayaa ka wada hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee hortebinta […]
Muqdisho, June 24, 2021; Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa xarigga ka jartay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka oo laga hirgeliyey degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, xaruntan caafimaad ayaa loogu talagalay in bulshada deegaanka ay ka helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran gaar ahaan haweenka iyo carruurta oo la kulmi jiray dhibaatooyin xagga adeegga […]
Booqasho aan ku joogay dalka aan walaalaha nahay ee Djabbouti ayaa si farxad iyo walaalnimo ku dheehan tahay noogu soo idlaatay. Mahad balaaran ayaan u celinayaa shacabka iyo dowladda Djabbouti oo ay ugu horreyso Marwada Koowaad ee dalka Jabbuuti maalmaha aan halkan ku sugnaa iyo sida ashqaraarka leh ee aad nagu qaabishay. Waxaan booqasho taariikhi […]
Hobyo, Ogosto 09, 2020; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macalin oo ay wehelinayaan Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa si wada jir ah uga dhagax dhigay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cusbitaal loogu tala galay daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Marwo […]
Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa maanta ku wareejisay agab caafimaad oo loogu talogalay Hooyada iyo Dhallaanka, Cusbitaallada Kalkaal Maternity ee Widhwidh iyo Awrboogays ee Gobollada Sool iyo Togdheer.