Maanta waxaan si wada jir ah uga dhagax dhignay magaalada Baraawe aniga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) xarun loogu talagalay daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.
Categories
SEO

Maanta waxaan si wada jir ah uga dhagax dhignay magaalada Baraawe aniga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) xarun loogu talagalay daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka. Xaruntan caafimaad, waxa ay gacan ka geysan doontaa dadaallada wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada […]

Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Saynab Cabdi Macallim ayaa gaartay dalka Turkiga, waxayna kulan la qaadatay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Turkiga Dr. Fakhrudiin Koojan iyo madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA.
Categories
SEO

Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Saynab Cabdi Macallim ayaa gaartay dalka Turkiga, waxayna kulan la qaadatay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Turkiga Dr. Fakhrudiin Koojan iyo madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA. Marwo Saynab, ayaa ugu horreyn Dowladda Turkiga uga mahadcelisay siday u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed, iyo gurmadkii ay u sameeyeen dhacdadii u danbaysay ee qarixii […]

Waxa martiqaad aan ka helay Hay’adda ‘Qatar Fund for Development’, oo aan ka wada hadalnay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen, dhismaha xarumo caafimaad oo aan ka wadno hawshooda gudaha dalka.
Categories
SEO

Waxa martiqaad aan ka helay Hay’adda ‘Qatar Fund for Development’, oo aan ka wada hadalnay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen, dhismaha xarumo caafimaad oo aan ka wadno hawshooda gudaha dalka. Waan isla afgaranay, sida ugu habboon ee ay uga qayb qaadan karaan, isla markaana waxaan uga mahadceliyay sida ay qaybtooda uga gaysanayaan, horumarinta dalka […]

(Daawo): Hadal-jeedinta Marwada koowaad Qaran ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle Washington
Categories
SEO

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle Washington waxa aan uga warbixiyey xaaladda nololeed ee dadkeenna ku dhibaataysan deegaannada ay ku dhufteen fatahaaduhu, dadaallada wax-ku oolka ah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan arrinkan iyo doorka muhiimka ah ee ay tahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanku ay ka qaataan u gurmadka walaalahood.

Marwada Koowaad ee Dalka oo Olalaha Gurmadka Fatahaadaha gaarsiiyey Jaaiyadda Soomaaliyeed ee Seattle Washington
Categories
SEO

Seattle Washington, Nofeembar 18, 2019: Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Olole loogu gurmanayey dadka ay saameyeen fatahaaddu ee ay ku abaabulaysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka waxa ay gaarsiisay magaalada Seattle Washington ee waddanka Maraykanka. Marwada dalka oo hadal ka jeedisay kulan ballaaran oo Jaaliyaddu ay soo qaban qaabiyeen oo ku […]

Waxaan Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxa iyo Ku-xigeenka TİKA xafiiska Soomaaliya u qaabilsan, waxaanu ka wada hadalnay sidii loo dardargelin lahaa mashruuc lagu dhisayo xarumo lagu daryeelo caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka oo Hay’adda Saynab Moallim Foundation ka hirgelin doonto Soomaaliya.
Categories
SEO

Waxaan Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxa iyo Ku-xigeenka TİKA xafiiska Soomaaliya u qaabilsan, waxaanu ka wada hadalnay sidii loo dardargelin lahaa mashruuc lagu dhisayo xarumo lagu daryeelo caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka oo Hay’adda Saynab Moallim Foundation ka hirgelin doonto Soomaaliya. Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xarunta Madaxtooyada JFS iyo saraakiil […]

Marwada Koowaad ee Dalka, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa qaabishay Madaxweyne ku xigeenka Shirkadda Logonet Mudane Mika oo la shaqaysa mashruuca Taakulaynta Agabka Carruurta ee Dalka Finland.
Categories
SEO

Marwada Koowaad ee Dalka, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa qaabishay Madaxweyne ku xigeenka Shirkadda Logonet Mudane Mika oo la shaqaysa mashruuca Taakulaynta Agabka Carruurta ee Dalka Finland. Marwada Koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka wada hadlay, sidii hooyada Soomaaliyeed loogu kaalmayn lahaa in ay u dhasho si bedqab ah, isla markaana loogu taakulayn lahaa […]