Muqdisho, Diseembar 27, 2021; Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta xariga ka jartay dhismaha xarun caafimaad oo laga hirgeliyey xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, taas oo loogu adeegi doono hooyada iyo dhallaanka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Xaruntan oo ah MCH si heer sare ah oo casri ah loo qalabeeyey, loona diyaariyey shaqaale xirfad iyo khibrad wanaagsan u leh u adeegidda bulshada ayaa waxaa iska kaashaday hirgelinta dhismaheeda Hay’adda Saynab Moallim Foundation iyo Hay’adda Qatar Charity.
Madaxda Hay’adda Saynab Moallim Foundation ayaa soo bandhigay dadaallada muuqda ee laga xaqiijiyey dhanka dib-u-dhiska dalka, gaar ahaan hirgelinta xarumo caafimaad oo tayo leh, si loo daboolo baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Guddoonka Degmada Dayniile, Saraakiil ka socotay Gobolka Benaadir, Madaxda Hay’adda Qatar Charity iyo martisharaf kale.
DHAMMAAD









