Categories
SEO
Marwada Koowaad ee Dalka, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa qaabishay Madaxweyne ku xigeenka Shirkadda Logonet Mudane Mika oo la shaqaysa mashruuca Taakulaynta Agabka Carruurta ee Dalka Finland.
Marwada Koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka wada hadlay, sidii hooyada Soomaaliyeed loogu kaalmayn lahaa in ay u dhasho si bedqab ah, isla markaana loogu taakulayn lahaa agabka ay u baahan tahay marka ay dhasho, agabkaas oo ah kuwo loogu talo galay hooyada iyo ilmaheeda.
Ujeedka mashruucan ayaa ah sidii hoos loogu dhigi lahaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka oo Soomaaliya aad ugu badan.
Marwada Koowaad ayaa codsatay inay mashruucan sida ugu dhaqsaha badan loo gaarsiiyo guud ahaan dalka si loo badbaadiyo dhallaanka iyo hooyooyinka dayaca badan kula kulma geyiga Soomaaliyeed.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Calendar

December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031

Categories