Categories
SEO
Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda Saynab Moallim Foundation ayaa Madaxtooyada ku qaabishay Kaaliyaha Madaxa Xafiiska Afrika ee Hay’adda Gargaarka Bini’aadantinimo ee Boqor Salmaan Mudane Yuusuf Al Bakheet iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Marwada Qaranka ayaa Mudane Yuusuf Albakheet ka dhegaysatey warbixin ku saabsan qorsheyaasha Hay’adda ee la xiriira horumarka, gargaarka bini’aadantinimo, caafimaadka haweenka iyo dhallaanka ee ay ka fuliyaan dalka.
Marwo Saynab ayaa wafdiga la wadaagtey mashaariicda caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee ay Marwadu ka waddo dalka iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka miradhalintooda, si loo sugo bedqabka dhallaanka iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.
Marwada Qaranka ayaa ugu danbayntii kula dardaarantay wakiilka Hay’adda in ay gacan ka geystaan ka hortagga xaaladaha bini’aadantinimo, dhiirrigelinta waxbarashada, caafimaadka haweenka iyo dhallaanka.
May be an image of 7 people
No photo description available.
May be an image of 2 people
May be an image of 8 people
May be an image of 7 people

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Calendar

December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031

Categories