Categories
SEO
Muqdisho, Diseembar 11, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo Madaxtooyada Qaranka ku guddoonsiisay qaar ka mid ah dadka naafada ah agab loogu tala galay, ayaa ku baraarujisay dadka Somaaliyeed in ay garab istaagaan dadkeenna naafada ah ee u baahan daryeelka.
Marwo Saynab ayaa tilmaamtay in xilligan dalkeenna ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada, si gaar ahna ay waxyeelladeeda ugu nugul yihiin dadka naafada ah, waxa ayna muujisay in colaadihii iyo dagaalladii sokeeyo ee horey uga dhacay dalka ay sababeen tirada muuqata ee dadka naafada ah.
“Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ku dhiirrigelinayaa in ay caawiyaan oo garab istaagaan walaalohooda naafada ah ee u baahan daryeelka. Soomaaliya waxa ay ku badbaadday waa is-garabsiinta iyo isu naxariisashada, waxaana taas cadayn u ah in ka badan 20 sano oo aan burbur ku jirnay iyo sida aan uga soo gudubnay caqabado badan oo na soo wajahay”
Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Guddoomiye Ku-xigeennnada Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud iyo Xiriiriyaha TIKA ee Soomaaliya Mudane Ilhami Turus.
DHAMMAAD
May be an image of 2 people
May be an image of 8 people, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 1 person, standing and sitting
May be an image of 1 person and standing
May be an image of 2 people and people sitting
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people and street
May be an image of 2 people, people sitting, bicycle, street and text that says "TİKA"
May be an image of 3 people, people sitting and people standing
May be an image of 6 people, people sitting, people standing, outdoors and text that says "8B (s) 8B BALENCU"
May be an image of 12 people and people standing
May be an image of 1 person, sitting, standing and indoor
May be an image of 4 people, people standing and people sitting
May be an image of 10 people and people standing May be an image of 3 people and people standing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Calendar

December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031

Categories