Categories
SEO
Muqdisho, Oktoobar 27, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo kulan casho sharaf ah ugu sameeysay Madaxtooyada
Qaranka mas’uuliyiin ka socotay hay’adda PAC ee ka hawl gala Soomaaliya ayaa ku bogaadisay adeegyada caafimaad ee ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan
daaweynta iyo qalliimada Fistula.
Marwada Koowaad ee dalka ayaa xustay in hay’adda PAC oo ka shaqeysa daaweynta iyo qalliimada Isku-furanka ay dalka ka fulisay adeegyo caafimaad
oo wax tar u leh badqabka shacabka Soomaaliyeed, si ay ula tacaalaan haweenka Soomaaliyeed ee la il’ daran Isku-furanka ee Fistula.
“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxda iyo hawlwadeennada hay’adda PAC adeegyada caafimaad ee ay sida mutadawacnimada ah uga fulinayaan
qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, gaar ahaan la tacaalidda Isku-furanka oo saamayn badan ku yeeshay hooyooyinka Soomaaliyeed”
Agaasimaha hay’adda PAC ee Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed oo ka warbixiyey mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulisay
hay’adda PAC ayaa tilmaamay in ay soo geba-gabeeyeen ololihii sagaalaad oo lagula tacaalayo bukaannada qabo Fistula.
Sidoo kale, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa ku ammaantay haweenka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u garab taagan dhaqaatiirta
mutadawiciinta ah ee fuliya daaweynta iyo qalliimada Fistula oo baahi weyn looga qabay dalkeenna.
Kulanka waxaa ka qeyb-galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Mudane Axmed Xuseen Macallin, Agaasimaha hay’adda PAC ee Soomaaliya
Dr. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.
May be an image of 1 person, standing, sitting and indoor
May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of one or more people, people sitting, people standing, headscarf and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, headscarf and indoor
May be an image of one or more people, people standing, headscarf and indoor
No photo description available.
May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of one or more people and people sitting
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of 3 people, people standing and headscarf
May be an image of one or more people, people standing and indoor
May be an image of one or more people, people standing and people sitting
DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Calendar

May 2024
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  

Categories