Muqdisho, Nofeembar 01, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa caasimadda dalka ee Muqdisho waxa ay kulan kula qaadatay Madaxa Wakaaladda Iskaashiga Iyo Isku-duwidda Turkiga ee (TIKA) u qaabilsan Soomaaliya Mudane Ilhami Turus.
Marwada Koowaad ee dalka iyo Madaxa Hay’adda TIKA u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay dardargelinta dhismaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Muqdisho oo ay iska kaashanayaan Wakaaladda Iskaashiga Iyo Isku-duwidda Turkiga ee (TIKA) iyo hay’adda Saynab Moallim Foundation.
Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa soo bandhigtay dadaallada muuqda ee laga xaqiijiyey dhanka dib-u-dhiska qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee dalka, si loo daboolo baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Mudane Ilhami Turus ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay Wakaaladda Iskaashiga Iyo Isku-duwidda Turkiga ee (TIKA) inay gacan ka geysato horumarinta shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah garab istaagga hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.









DHAMMAAD