Categories
SEO
*Turkiga, Octoobar 01, 2021;* Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi ay hoggaamineyso oo safar shaqo ku joogta dalka Turkiga ayaa kulan la qaadatay Madaxa Wakaaladda Iskaashiga Iyo Iskuduwidda Turkiga ee (TIKA) Mudane Serkan Kayalar.
Marwada Koowaad ee dalka iyo Madaxa Hay’adda TIKA ayaa ka wada hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee hortebinta u leh shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta isbataalka hooyada iyo dhallaanka ee Muqdisho oo ay iska kaashanayaan Wakaaladda Iskaashiga Iyo Iskuduwidda Turkiga ee (TIKA) iyo hay’adda Saynab Moallim Foundation.
Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa soo bandhigtay dadaallada muuqda ee laga xaqiijiyey dhanka dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee dalka, si loo daboolo baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Mudane Serkan Kayalar ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay Wakaaladda Iskaashiga Iyo Iskuduwidda Turkiga ee (TIKA) xoojinta mashaariicda horumarineed ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee ay ku taageeraan dadka Soomaaliyeed.
Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, waxaa kulanka ku wehelinayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid, xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda iyo masuuliyiin ka socda hay’adda Saynab Moallim Foundation.
No photo description available.
May be an image of one or more people and people standing
No photo description available.
May be an image of one or more people, people standing, people sitting, indoor and text that says "C* TİKA"
May be an image of standing, indoor and text that says "TİKA"
May be an image of one or more people, people standing and indoor
No photo description available.
No photo description available.
May be an image of one or more people, people sitting, furniture, office and indoor
No photo description available.
No photo description available.
*DHAMMAAD*

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Calendar

May 2024
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  

Categories