Categories
SEO
Muqdisho, Ogoosto 28, 2021; Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa.
Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku xeeran oo baahi weyn u qabay adeeg caafimaad oo tayo leh.
“Caafimaadku waxa uu ka mid yahay adeegyada aasaasiga u ah bulshada, sidaas awgeed Isbitaalkan waxa aan ugu talo galnay wax ka qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.”
Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa adkeysay muhiimadda ilaalinta xarumaha danta guud, iyada oo kula dardaarantay bulshada Baraawe in ay ilaashadaan dhismaha iyo agabka kale ee yaalla xarunta oo ah mid casri ah.
Dhanka kale, Marwada ayaa uga mahadcelisay howl-wadeennada Hay’adda Saynab Moallim Foundation dadaalka xooggan ee ay ku bixiyeen sidii loo hirgalinlahaa dhismahan xaruntan caafimaad, sidoo kale Marwadu waxa ay u mahadcelisay maamulka shirkadda Hass Petrolium oo gacan ka geystay qalabaynta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Baraawe.
Safarka waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Axmed Siciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macallin, Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada JFS Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Axmedweli Abukar iyo mas’uuliyiin kale.
No photo description available.
No photo description available.
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and people sitting
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of one or more people, people sitting and people standing
May be a close-up of 1 person, standing and sunglasses
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
No photo description available.
No photo description available.
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Calendar

December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031

Categories